Get Mystery Box with random crypto!

Jaamacadda Jigjiga oo ka duulaysa go’aankii kasoo baxay wasaar | Jigjiga University, Ethiopia

Jaamacadda Jigjiga oo ka duulaysa go’aankii kasoo baxay wasaarada waxbarashada dalka ee ahaa in sanadkan imtixaanka heer qaran ee fasalka 12aad lagu qaadi doono xarumaha Jaamacaddaha dalka, ayaa Jaamacaddu mudooyinkii u dambeeyay ku hawlanayd sidii si hufan ay u hirgalin lahayd qorshahaasi.

Sidii qorshuhu ahaa, Jaamacadda ayaa soo gabogabaysey hawlihii u diyaar garawga qaabilaada ardayda qaadanaysa imtixaanka heer qaran ee fasalka 12aad. Taasi oo loo diyaariyey ardaydaasi dhamaan adeegyada kala duwan ee ay isticmaali doonan mudada ay ku sugan yihiin gudaha Jaamacadda iyo inta lagu gudo jiro imtixaankaba.

Maamulka iyo dhamaan bulshada Jaamacadda Jigjiga waxay gacmo furan kusoo dhaweynayaan dhamaan ardayda qaadanaysa imtixaankan.

Kusoo dhawaada Jaamacadda!.